fredag 15. mai 2015
15ka maajo
15ka Maajo waa maalin Soomaalida taariikh weyn ugu fadhida. Waa maalintii dhaliyaradii Soomaaliyeed ee soo hooyey xorriyada aan ku naaloono ay curiyeen Xisbigii Somali Youth League (SYL). Sannadku waxuu 1947-dii, dalweeynaha Soomaaliya waxaa gumeeysanayey xooggaggii reer Yurub ee Talyaaniga, Engiriiska iyo Faransiiska. Caalamku waxuu kasoo kabanayey dagaalweynii 2aad, waxaa Yurub iyo Aaasiyaba dul heehaabeeysay neecaawda Xorriyada. Dalal badan oo dunida 3aad ka mid ahse waxaa ka jiray jawi xorriya doon iyo ina ay heeryada gumeesteyaasha reer Yurub mar uun iska tuuraan.
Dhallintii Soomaaliyeed oo aqoontooda waxbarasho ay heer aad u hooseeya joogtay waxay garteen macaanta madaxbannaanida iyo mideeynta geyiga Soomaaliyeed ee saancaduhu kala qoqobay ay ugu fadhido Soomaalida. Niyad wanaag iyo mideeynta qalbiga, garashada iyo hammiga ummadda Soomaaliyeed waxay suurtagal ka dhigtay in 1950-kii Jamciayda Qaramada Madoobay ay garwaaqsadaan dalabka Soomaalida ee ah xorriyad buuxda oo Soomaalidu hesho. Golaha ammaanku waxay go'aamiyeen in Italia Somaliland la gaarsiiyo xorriyad buuxda sannadku marka uu yahay 1da luuliyo 1960. Jimciyadda Qaaramada Madoobay waxay dusha kala socon doonaan habsamiugu diyaarinta madaxbannaanida Koofurta Soomaaliya.
Dalkii British Somaliland iyo Northern Frontier District warkooda lama soo qaadin. Sidaas si la mid ah ayaan French Somaliland looqaban wax taariikh ah oo xorriyad lagu gaarsiinayo. Dadyoowga reer Soomaaliland ma joojin halgankoodii gobonimo doonka ahaa oo halgankoodii ayey sii labajibbaareen.Ururkii S.N.L (Somali National League ee xaq u dirirka ahaa iyo ururo kale oo reer Somaliland ah ayaa halgan dheer hakoodii kasii waday. Hase yeeshee Fransiisku waxuu ballanqaaday inuu afti ka qaadi doono ummadda reer Djabouti waqti uusan cayimin. Waxaa dunibu ka warqabtay in sannadka 1960 uu noqon doono sannadka khaarada afrika dalalka laga gumeeysto ay qaadan doonaan xorriyad. Goortii la gaaray xilligii Soomalida Talyaanigu gumeeysto qaadanayeen xorriyadooda ayaa gumeeystii Ingiriiskuna waxuu iskugu yeeray reer Somaliland una sheegay inay u diyaargaroobaan hanashada dalkooda. 26kii juunyo 1960 ayuu calankiisii ka laabatay dhulkii soomaaliland, lana saaray calankii ugu horeeyey ee si xor ah uga babada geyi Soomaaliyi leedahay.
Abwaanka caanka ah AUN Cabdillaahi Suldaan Timacade ayey habeenkii la saarayey calanka reer Soomaliland tiriyey tix gabay ah oo dadka afsoomaaliga ku hadla quluubtooda ruxday. Cabdillaahi ereyadiisii waxaa ka mid ahaa " Rabbiyo ma nusqaamoo kana siib kana saar". Afar cisho ka dib waxaa calankii labaad ee Soomaali xor ah laga taagay Magaalada Muqdisho. Iyadoo dalkii xorta ahaa Waqoyiga Soomaliya si aan gorgortan lahayn ula midoobeen walaalahooda Koofureer. Halkaasna ay ka dhalatay Jamhuuriyaddii Soomaaliya.
Alle ka sokoow, xorriyada labada dal waxaa soo hooyey dhallinyaro Soomaaliyeed oo aqoontoodu dhaafsiisnay heer Dugsi sare iyo wax ka hooseeya. Nasiibdaro ummaddii Soomaaliyeed ee saancadaha geyigeeda ka saartay oo misna midoowday waa ay kala irdhoowday. Sababaha kala fogeeyey quluubtii isku oomanayd waxa weeye qabyaalad iyo kaligii talisnimo sababtay in har cad la gumaado ummaddii Soomaaliyeed ee usoo kifaaxday xorriyada dhiiga badani kusoo daatay.
55 sanno ka dib, Soomaaliya meel iskuma sheegto. Maanta oo ay Soomaalidu ka tiro iyo itaal abdna badan tahay 1947dii iyo 1960kii, xoolo iyo aqoonna Alle u dhameeystiray ayey waxay u kala qaybsan tahay qabiilo iyo maxmiyado gumeeystaha madoow u adeega... Waxaa hubaal ah halgamayaashii xorriyada in aysan qabrikooda ku qaboobin inta geyiga Soomaaliyeed u kala qoqoban yahay reer-reer aan is eegi akrin.
Abonner på:
Kommentarer (Atom)
